Maxaa Dalka Ka Hortaagan inuu helo Musharax Madaxweyne Oo Xalin kara Caqabadaha

Somalia news

Inkastoo lagu guda jiro xili doorasho oo Musharixiinta intooda badan ay wadaan soo bandhigida Barnaamijyadooda siyaasadeed, ayaa waxyaabaha ku cusub Ololahaan ee la diiwaan geliyay ayaa waxaa ka mid ah tiro badan oo tayadoodu hooseyso ayaa isku soo taagay Xilka Xafiiska Madaxweynaha, iyadoo Musharixiinta qaarkood ay soo kireystaan Dhalinyarada ugu saameynta badan Tiktok-ga, si sumcadooda looga iibiyay Xildhibaanada…

Ilaa hadda ma jiro Musharax si cad u soo bandhigay Barnaamij Doorasho oo wax ka bedeli kara dhibaatooyinka Amaanka, Garsoorka, Ka hortagga Abaaraha, Cudurada, Biyo la’aanta, Dhaqaalaha iyo Canshuuraha ka taagan, iyadoo magaalada ay Isbaarooyin wado kasta ay ku go’an yihiin Ciidamada Joogana ay dhibaato joogto ah ku hayaan Muwaadiniinta marmar qaarkood dilal u geystaan Wadayaasha Gadiidka, mana jirto Maxkamado si cadaalad ah u garsoorta Shacbiga, waxaana laga doorbidaa Garsoorka Kooxaha Argagixisada.

Dhanka Dhaqaalaha, Dekada waxaa wada maamula Dowladda & Shababka, halka Lacagaha Dollarka uu xiligaan udub dhexaad u noqday wax kala iibsiga, iyadoo Maamuladii isaga dambeeyay ay ka caga jiideen iney soo diyaariyaan barnaamij dhaqaale oo lagu xoojinaayo Shilinka Soomaaliga muhiimna ay tahay in Dalka oo dhan la wada gaarsiiyo, Gudoonka Bangiga dhexe ayaa ku tiirsan yahay Shirkadaha bixiya adeegyada Maaliyadeed, taasoo aan lagu hormarin karin Dhaqaalaha, Kaaga darane Canshuuraha ayaa Qori caaradiis lagu qaada laguna takri falaa.

Siyaasiyiinta xiligaan waxaa maankooda ka guray nuxurkii Wadaniyada, waxaana sabab u ah, Waxaad arkeysaa Madaxweyne Mucaarad ku ah Doorashada la rabay inuu soo diyaariyo kuna mashquulay difaaca kuraasta Beeshiisa, halka Musharax Madaxweyne oo eedo badan loo heysto inuu barnaamij siyaasadeed hal ku dheg ka dhigto ””Dhismaha ciidankeena sharafta leh, dareeskooda aaddaa tollay” – Waa qeyb kamid ah miraha amaan ah ee Al Fanaan Xariir Cabdi u xalay u qaadey Musharax Madaxwayne Xasan Cali Khayre, “Dalkaan ciddana uma maqna Ceelna uma qodna”.

187890cookie-checkMaxaa Dalka Ka Hortaagan inuu helo Musharax Madaxweyne Oo Xalin kara Caqabadaha

4 thoughts on “Maxaa Dalka Ka Hortaagan inuu helo Musharax Madaxweyne Oo Xalin kara Caqabadaha

  1. Waa ayaan darro weyn in Dalkaan ay u soo shaqo taagan tuugo iyo koox danley ah isla markaasna boob ku haya hantida Shacbiga

  2. Dalkaan Ceelna uma qodna Cidna uma maqna “Maalin mugdi ah Ayuu ku jiraa”

  3. Somalia xiligaan waxaa horgal siyaasada u ah kooxo qowleysato ah oo kaga you kala duwan la baxay kuwaasoo isku baheystay iney dhiiga Shacabka ka faa’iidaan “Allow ka soo gaar Dalkaan’

Comments are closed.