Odayaasha Iyo Xildhibaanada Hir-Shabelle Oo Villa Somalia Laga Doyaariyay

Somalia news

Warbixino hordhaca ah ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho lagu diyaariyay Odayaasha soo xulaaya Xidhibaabada Baarlamanka HirShabeelle ee ka soo gali doono Beesha Xawaadle kadib markii ay Beeshaasi diiday soo xulista xubnaha dhankooda ka iman doona….

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Mr.Cabdulahi Goodax Barre iyo Xubno kale uu Mr.Farmaajo kula heshiiyay iney soo xulaan Odayaasha iyo Xidhibaanada Beesha Xawaadle, kadib markii ay diideen iney qeyb ka noqdaan Maamulka Hir-Shabeele.

Waa diyaarsan yihiin xubnaha ka soo geli doono Xawaadle oo diidan dhismaha HirShabeelle, waxaa soo diyaariyay Goodax, Dabageed iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, odayaal kale ayaa qeyb ka ah soo xulista waxaana loo qaaday Jowhar qaarkoodna halkaas ayey joogaan halka kuwa kalane ay Beladweyne joogaan,” ayuu yiri mid kamid ah Xildhibaanada waqtigooda dhamaaday ee ka soo jeeda Hiiraan.

Yuusuf Dabageed iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, ayaa la sheegay in midkood qaban doono xilka Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle, waxayna kaalin shaki iyo mugdi ku jiro ay ku leeyihiin Xubnaha kor ku xusan abaabulka loogu jiro soo xulista Xildhibaanada labaad ee HirShabeelle.

Siyaasiin badan, Odayaal dhaqameed reer Hiiraan iyo qaar kale oo bulshada kamid ah islamarkaana dhamaantood ka soo jeedo Beesha Xawaadle ayaa diidan qaabka loo marayo dhismaha maamulkaas oo waqtigiisa dhamaaday, iyagoo ku gacan seeray inay ka qeyb qaataan, waxeyna ka digeen in Laba Maamul uu yeesho Hir-Shabelle.

67520cookie-checkOdayaasha Iyo Xildhibaanada Hir-Shabelle Oo Villa Somalia Laga Doyaariyay