Share the post "Is-Rasaaseyn Khasaare ka dhashay oo ka Dhacday Gudaha Magaalada Kismaayo iyo Sababta.."
Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa iska horimaad khasaare nafeed sababay oo ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta ku meelgaar ah ee maamulka Jubbaland, Iyadoo Isku dhacaan uu u dhaxeeyo mid ka mid ah Musharixiinta iyo Xoogaga Axmed Madoobe..
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in inta la xaqiijiyey 1-Askari ayaa ku geeriyooday, 2 kalane waa ku dhaawacmeen iska horimaadka oo u dhexeeyey Xoogaga Musharixiinta iyo kuwa Daacada u ah Axmed Madoobe sida ay sheegeen Dad goobjooyaaal ah ciidamo ilaalo u ah mid ka mid ah Musharaxiinta, waxaana la xaqiijiyay in xaalada magaalada ay kacsan tahay.
Dowladda Federaalka ayaa si xoogan u cambaareysay weerarkii saakay lagu qaaday Hotelka Agan ee magaalada Kismaayo ee ay geysteen sdia hadalka ay u dhigtay Xoogag hubeysan oo ka amar qaata Maamulka Jubbaland, Wasiirka Amniga Qaranka Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa falkaasi ku tilmaamay sida uu qabo “mid la doonayo in lagu huriyo dagaal sokeeye” oo dhex mara shacabka walaalaha ah, ka dib shir jaraa’iid oo uu ku qabtay Mogdishu.