Hogaanka Dowlada Oo Lagu Eedeeyay Ineysan Daacad Ka Aheyn

Somalia news

Wararka nagaan soo gaaraya Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya In Wasiirka 1-aad Mr.Xasan Cali Khayre uu bedelay mowqifkiisa ahaa in doorashooyinka soo aadan lagu galo hanaan ay kawada heshiiyeen daneeyeyaasha….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Mr.Khayre oo aragtidiisa tiro laba jeer ah ku caddeeyay kulanka Golaha Wasiiradda ayaa tan iyo markii uu ka degay caasimadda Galmudug ee Dhuusaamareeb ka shaqeynaya meelmarinta damaca Mr.Farmaajo ee doorshada, Mr.Kheyre Oo shirar gaar ah oo Dhuusamareeb uu kula yeeshay hogaanka HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa culeys ku saaray inay taageeraan qorshaha Maamulka Villa Somalia.

Siyaasiyiinta iyo shacabka Dhuusamareeb ayaa welwel ka muujiyay in Hogaanka Madaxtooyada aysan daacad ka aheyn iney heshiis la gaaraan Madaxda Maamulada Gobolada, waxeyna Wakhtiga ku luminayaan Kulamo igu sawir ah si loo qaldo Shacbiga Soomaaliyeed iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Villa Soomaaliya ayaa si ku celcelisa ah u sheegtay in ay dooneyso in cod-bixinta 2020-21 ay noqoto qof iyo cod. Balse, maamulada oo ku shiray Dhuusamareeb waxay horaantii bishaan July isku raaceen in ay dhici karin.

Madaxda Dowlad goboleedyadda ayaa ku baaqay in habka lagu aadayo doorashooyinka soo aadan ay noqoto mid heshiis siyaasadeed laga gaarey.

49080cookie-checkHogaanka Dowlada Oo Lagu Eedeeyay Ineysan Daacad Ka Aheyn