Abaabul Ciidan & Dagaal Laga Cabsi qabo inuu ka Qarxo Degaanka Xadka ee Raskambooni…

Security Somalia news

Kadib markii ay soo shaac baxday in Wasaarada Gaashandhigga ee Dowlada Federaalka ay ilaa 4-Duulimaad Diyaaradeed ay ku daabushay Degaanka Raskambooni Ciidamo isku jira Guutooyinka Gorgor iyo Haramcad kuwaasoo ku biiray kuwo horey Degaankaasi ugu sugnaa si ay u sugaan Amaanka Xadka…

Xaalada ayaa ka darray markii Madaxweynaha Maamulka Jubbaland uu markii 5-aad isku caano shubay, kadib markii lagu qabtay magaalada Kismaayo Doorasho boobsiis ah, Dowlada Federaalkana ku tilmaamtay mid sharci darro ah, iyadoo Xiisadaani u muuqato mid faraha ka sii baxeysa dagaal ma hurtona yahay.

Wararka ayaa sheegaya in in Ciidamada Degaanka laga dejiyay ay tiradoodu gaareyso 200-Askari, waxaana lagu xoojiyay Ciidamo horey uga goostay Maamulka Jubbaland uu hormuud u yahay Sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Fanax, iyadoo uu hagaayo Howshaani Taliyaha Ciidamada Lugta oo Amar ka heystay Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka.

Xogta Degaanka ayaa xaqiijineysa in Defaanka Raskambooni xiligaan ay gaari karaan Gadiidka Dagaalka sababo la xiriira Dhilka oo howd ah, Maamulka Jubbaland ayaa Xoogag Gurmad ah u diray Halkaasi iyagoo ku daad gureeyay Doomo, waxeyna u badan tahay in Dagaal adag degaanka uu ka qarxo maalmaha soo socda.

Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland oo qoraal uu soo saaray Xilkii kaga qaaday Gudoomiyihii Degmada Badhaadhe oo hoos taga Degaanka Raskambooni wuxuu ku bedelay Sarkaal lagu magacaabo Xasan Nuur Cabi, waxa uuna magacaabista guddoomiyahan imaanaya xilli shalay deegaanka Raaskanbooni oo hoostagta degmada Badhaashe kasoo dageen ciidamo katirsan dowladda oo kasoo horjeeda jiritaanka Axmed Madoobe.

350980cookie-checkAbaabul Ciidan & Dagaal Laga Cabsi qabo inuu ka Qarxo Degaanka Xadka ee Raskambooni…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *