Turkiga & Qatar Oo Lagu Eedeeyay Hubeynta & Maalgelinta Koox Ka Mid ah Kuwa isku haya Siyaasada Somalia

Somalia news

Xiligaan kala guurka ah Dalka Somalia ayaa wajahaaya marxalad Qalalaase Siyaasadeed iyo mid amni ay ka taagan tahay, iyadoo fiiro loo leeyahay Khilaafka xargo goostay ee Hogaanka Hey’addaha Fulinta, (Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad), ayaa xaalada qasan waxaa murjiyay Turkiga Hub & Drones Dalka soo geliyay…

Dowladaha Qatar iyo Turkey ayaa lagu eedeeyay iney qeyb ka yihiin Qalalaase Siyaasadeed, waxeyna saameyn & fara gelin toos ah ku leeyihiin Qaabka dhismeedka Amaanka & Sirdoonka Somalia, Fara gelintooda ayaa gaartay iney jebiyaan Qaraarada Qaramada Midoobay ee ku aadan Cunaqabateynta Hubka ee Somalia.

Dowladda Turkiga ayaa Somalia ugu deeqday tiro tobaneeyo Diyaaradaha Drones-ka nooca Beyraktar TB2, taasoo xadgudub ku ah Qaraarada Golaha Amaanka ee QM, waxeyna Su’aali ka taagan tahay Maxey tahay sababta xiligaan garab ka mid ah kuwa Siyaasada Somalia isku hayo u taageereen una hubeynayaan.

Ka Soomaali ahaan & Khabiir Dhanka Amaanka ah, waxaa maankeyga ka gadmi waayay Waa maxay sababta ay Dowladaha Turkiga iyo Qatar ku riixeysa in Dalka dib loogu celiyo dagaalada Sokeeye maxeyse dhaqaale iyo Wakhti u geliyeen hadiiba ay dhinac la safan yihiin, iyadoo la og yahay in Shaqsiga Abd Al-rahman bin Cumeyr Al-Nuceymi iyo Shabakadiisa dalkaan saameyn weyn ku leeyihiin Dhanka Waxbarashada laga soo bilaabo 2013-kii.

Hubka Saanada & Saadka ay Turkiga & Qatar Dalka keenaan waxaa gacan loo geliyay Saraakiil ka soo jeeda Beesha Madaxweynaha, iyadoo loo baahan yahay in Guddiga La socodka Cunaqabateynta ee Somalia looga fadhiyo iney fiiro gaar u yeeshaan Hubka Drones-ka & rasaasta la soo dejiyo iney ku dhacaan gacmo qaldan.

159810cookie-checkTurkiga & Qatar Oo Lagu Eedeeyay Hubeynta & Maalgelinta Koox Ka Mid ah Kuwa isku haya Siyaasada Somalia