Kenya oo dib u soo Noolaysay Xiriirkii Ganacsi ee Wadamada Afrikaanka si meesha looga saaro Isticmaalka US$..

Africa News

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ka codsaday Madaxda Qaarada Afrika inay qaadaan tilaabooyinka ugu horreeya ee ay ku joojinayaan isticmaalka lacagta Dollar ah, kadib markii Maamuladii Washington u adeegsadeen hub ahaan, taasoo soo dedejisay in Dalalka Aduunka ay ka fiirsadaan…

 Wararka ayaa sheegay in Madaxda AU-da ay ku howlan yihiin sidii loo abuuri lahaa Nidaam lacag-bixineed oo Afrikaan ah si loo fududeeyo ganacsiga Qaarada, Dr.Ruto ayaa ku booriyay saaxiibadiisa Afrika inay abaabulaan Bangiyada dhexe iyo kuwa Ganacsiga si ay ugu biiraan Pan-African Payments and Settlement System (PAPSS) oo dhidibada loo taagay Janaayo 2022.

Nidaamka Ganacsiga Afrikada dhexe waxaa soo saaray African Export-Import Bank (Afreximbank) iyo African Continental Free Trade Area (AfCFTA) Xoghaynta, Qorshahan waxaa taageeray Midowga Afrika iyo Bangiyada dhexe ee Afrika.

Waxaa jira hannaan ay dhammaan ganacsatadeenna ku kala iibsan karaan lacagta Dalka, waxaanan u dhaafnay bangiga Afrexim si uu u dejiyo dhammaan lacagaha la bixiyo, Ma aha in aan US$ raadino, Ganacsatadeenu waxay xoogga saari doonaan raritaannada badeecadaha iyo adeegyada, waxayna uga tagi doonaan shaqada adag ee lacagaha Afreximbank.”

Ganacsatada Afrikaanka ah iyo Bangiyada maxaliga ah waxay isticmaalayaan Bangiyada ay xiriirka la leeyihiin, kuwaasoo inta badan ah Maraykanka iyo Europe, si ay u dhamaystiraan lacagaha u dhexeeya laba lacagood oo Afrikaan ah oo u badan dollar, iyo mararka qaarkood Euro, Waxay qaadataa ilaa saddex ilaa shan maalmood in lacag bixinta lagu geeyo bangiga qaataha iyadoo lagu dalaco fee marxalad kasta.

258500cookie-checkKenya oo dib u soo Noolaysay Xiriirkii Ganacsi ee Wadamada Afrikaanka si meesha looga saaro Isticmaalka US$..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com