Dowladda oo Bilaawday Xakameynta Hubka Sharci darada ah iyo Calaamadeynta Rasaasta..

Security Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan uu ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Dowlada Fedaraalka Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, kaasoo shir Gudoomiyay kulan looga hadlayay arrimaha xakameynta hubka sida sharci darrada ah ku soo gala gudaha Dalka…

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socda beesha Caalamka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Fedaraalka ayaa Wasiirka Amniga oo ugu horeyn ka hadlay kulanka ayaa sheegay in guulo la taaban karo laga gaaray xakameynta hubka sharci darada kusoo gali jiray Dalka oo ay ka faa’ideysan jireen kooxaha lidiga ku ah amniga guud ee Dalka.

Ku xigeenka La taliyaha amniga Qaranka Mukhtaar Maxamed Xasan ayaa dhankiisa ka sheegay kulanka in ka xafiis ahaan ay ka go’an tahay xaqiijinta la dagalanka hubka sharci darradda ah iyo calaamadeynta rasaasta, “Waxyaabaha ugu muhiimsan ee maanta shirka looga hadlay waxaa ka mid ah, qiimeynta qorshaha Qaran ee sanadlaha kaasoo aan ka fiirinay guulaha ay dowladda ka gaartay iyo waxyaabihii qabsoomay” ayuu yiri.

Kulankaan looga arrinsanayay xakameynta hubka sharci darada ah iyo calaamadeynta rasaasta ayaa kusoo aadaya, iyadoo horay marar badan xaduudaha Dalka uu la wadaago Dalka Ethiopia ay kasoo galeen gudaha Dalka hub sharci daro ah, iyadoo ay gaareen Magaalooyinka Garoowe, Baydhabo iyo Gobolka Gedo.

351040cookie-checkDowladda oo Bilaawday Xakameynta Hubka Sharci darada ah iyo Calaamadeynta Rasaasta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *