Dhinacyada Ku Dagaalamaaya Duleedka Laas caanood oo Gadiid Dagaal iyo Saanad Soo Gaareen..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Ganacdadaha reer Laascaanood ee Maxamed Jabuutaawi ayaa la sheegay in dhawaan uu Gaadiid & hub aan la sheegin cadadkiisa iyo halka uu ka soo iibsaday kala soo degey dekedda Garacad ee Gobolka Mudug..

Wararka ayaa sheegay in Ganacsadaha oo aan beryahan hadalkiisa la maqal, muuqaalkiisana aan ka soo muuqan warbaahinta ayaa maqnaashiisa isweydiin badani ka dhalatay, Dadka qaar ayaa sheegay in Ganacsaduhu aanu ku qanacsaneyn sida loo maamulayo kacdoonka Laascaanood iyo awoodii isbedel doonka oo isu bedeshay mid u jeedo badan ah.

Si kastaba ha ahaatee, Ganacsade Jabuutaawi iyo garabyada uu kala duwan ee dagaalka kula jirta Xoogaga Muuse Biixi ayaa haatan u muuqda qaar ku qancay in reer Laascaanood isku tashaadaan si looga miro dhaliyo ujeedooyinkooda.

Sidoo kale waxaa baraha bulshada lagu arkayay taageereyaasha Muuse Biixii oo ku faanaya iney Gaadiid Xamuul ah iyo Saanad ciidana iney dhawaan dibeda ka soo iibsadeen, Xaalada Laascaanood ayaa haatan u muuqata mid dhinacyadu ay isku barbar dhaceen kadib markii mudooyinkii u dambeeyay dagaalo u badan Madaafiic is weydaarsadeen, kooxna dhinaca kale awood ku muwuunin waayay.

254750cookie-checkDhinacyada Ku Dagaalamaaya Duleedka Laas caanood oo Gadiid Dagaal iyo Saanad Soo Gaareen..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com