Ma Dhabaa in Qaar Ka Mid ah Agaasimayaasha Guud ay Xil ka Qaadis Qarka u Saaran yihiin

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya in Qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Federaalka ay qarka u saaran yihiin Xil ka qaadis kadib markii loo jeediyey eedo culus kala duwan, taasoo salka ku heysa iney ku kaceen musuq iyo dembiyo kale, halka qaar kalena loo heysto xil gudasho la’aan iyo amar diido..

Wararka ayaa sheegaaya in Wasiirada lixda Wasaaradood ayaa la sheegay iney dacwado ka dhan ah Mas’uuliyiinta, waxaana loo gudbiyay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, iyagoo dalbanaya in laga bedelo kadib markii ay wada shaqeyn waayeen, waxeyna kala yihiin:-

-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga
-Agaasinmaha Guud ee Wasaaradda Batroolka
-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
-Agaasima Guud ee Wasaaradda Waxbarashada
-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha
-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Aminga Qaranka

214640cookie-checkMa Dhabaa in Qaar Ka Mid ah Agaasimayaasha Guud ay Xil ka Qaadis Qarka u Saaran yihiin