Share the post "Ma Dhabaa inuu Turkiga ka Socdo Dadaalo Lagu Kulansiinaayo Madaxda Somalia & Ethiopia.."
Macluumaad hordhac ah ayaa daaha ka roogaaya in Dalka Turkiga uu wado qorshe uu ku kulansiinaayo Madaxweynaha Somalia & Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, iyadoo kulankaan lagu falanqryn doono khikaafkaan oo ka dhashay Heshiiskii Is-afgaradka ee Ethiopia iyo Maamulka Somaliland ee horantii Sanadkaan…
Ilo wareedyo loo qaateen ayaa xawiijinaaya in Madaxweynaha Somalia uu maanta safar aan la sii qorsheyn ku tegi doono magaalada Ankara ee Dalka Turkiga kaddib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalkaas Recep Tayyib Erdogan, iyadoo Howlwadeenada Villa Somalia ay ka gaabsadeen iney ka hadlaan Safarka deg deg ah.
Dhanka kale, Macluumaad kala duwan ayaa ka soo baxaya safarka Madaxweynaha ku tagayo Turkiga, ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in wada hadal fool ka fool ah ay Ankara ku yeelanayaan isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo isna halkaasi booqanaya, Dalka Turkiga ayaa waday mudooyinkan dadaalo uu ku dhex dhexaadinayo Madaxda Somalia iyo Ethiopia, si loo dhameeyo Khilaafka sii fogaaday ee u dhaxeya labada Dal.