EU-da Oo Shuruudo Adag Ku Xiray Taageerida Howlgalada Amisom

Somalia news

Midowga Europe ayaa dalbaday in wax laga bedelo qaab-dhismeedka uu ku howlgeli doono Howlgalka Amisom ee Somalia, marka uu dhamaado muddo xileedka Howlgalkaan, iyadoo la dalbaday in Xooga la saaro dib u howlgelinta Hey’adaha Dowladda Federaalka…

Mr.Josep Borrell Fontelles Madaxa Xiriirka Dibeda ee EU-da ayaa u sheegay Warsidaha Theeastafrican.co.ke iney ku heshiiyeen in Somalia loo xaqiijiyo ineysan xiligaan suurto gal aheyn in Howlgalka la joojiyo, iyadoo aan la helin barnaamij bedel oo ku filan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in EuU-da aanu diyaar u aheyn iney maalgeliyaan, iyadoo aan lagu saleyn howlgalka diyaarinta Hey’adaha Dowlada iyo dib u diyaarinta Ciidamada Dowladda.

https://www.theeastafrican.co.ke/tea/news/east-africa/european-union-amisom-funding-3701438
Howlgalada Amisom ayaa Dalka ku sugan tan iyo 2007-dii, iyadoo Golaha Amaanka ee UN-ka uu u xil saaray iney ka howlgalaan Somalia, waxaana Dhaqaalaha Miisaaniyada ku baxa Howlgalka 100/90 bixiya EU-da, Sanadkii 2017-kii, ayeey EU-du hakisay maalgelinta Howlgalka, iyagoo ku sababeeyay baahida sii kordheysa ee lagula dagaalamaayo kooxaha Argagixisada ee ka baxsan Geeska Africa.

165420cookie-checkEU-da Oo Shuruudo Adag Ku Xiray Taageerida Howlgalada Amisom