Hey’adda Lacagaha Aduunka (IMF) ayaa soo gabagabeeyeen wada tashigii iyo dib u eegistii labaad ee hoos timaada nidaamka deyn cafinta (ECF) ee Somalia, Dib u eegistan kaddib, Guddiga sare ee IMF ayaa u oggolaaday Dalkaan in si degdeg loo siiyo qiyaastii Dhaqaale dhan $10-Millions, taasoo wadarta guud ee lacagaha IMF siinayso ka dhigaysa $60 milyan…
Taageeradan dhaqaale ayaa loogu talo galay in lagu xoojiyo xasilloonida kobaca dhaqaalaha Dalka, Dib-u-habayntan ayaa qayb ka ah dadaallada Somalia ka dib markii ay gaartay heerkii ugu sareesay ee Hindisaha Wadamada deymaha badan lagu leeyahay, Howlwadeenada Hey’adda ayaa carrabka ku adkeeyay horumarka laga sameeyay dib-u-habeynta maaliyadda, maamulka maaliyadda dowladda, iyo awoodda maareynta deymaha.
Ku-xigeenka Agaasimaha Maamulka IMF, Mr. Bo Li, ayaa bogaadiyay dib u habeynta joogtada ah ee Somalia, “Xoojinta abaabulka dakhliga gudaha ayaa weli ah mid muhiim ah iyadoo deeqaha dibadda ay hoos u dhacayaan, Soomaaliyana waxay sii wadaysaa inay wax ka qabato baahiyaha ballaaran ee bulshada iyo horumarinta,” ayuu yiri. Wuxuu sidoo kale bogaadiyeen dadaalka dib loogu dhisayo awoodda bangiga dhexe ee Dalka iyo diyaarinta dib u soo celinta lacagta shilinka Soomaaliga, oo ay taageerayaan IMF iyo Bankiga Adduunka.