Kadib Guuldarooyinkii Doorashada Gudoonada Baarlamaanka Farmaajo Oo Ka Fekeraaya..

Somalia news

Kadib guuldaradii ku habsatay Farmaajo & Kooxdiisa ee Doorashada Gudoonada Labada Aqal, ayaa waxaa soo shaac baxaaya Warar sheegaya inuu ka fekeraayo sidiiuu uga hari lahaa tartanka kadib markii uu yaqiinsaday iney rajadiisu dib u doorashada aad u hooseyso…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in La-taliyihii Farmaajo (Fahad) oo laga horistaagay inuu ku fariisto Kursiga Beeshiisa Hoo#086, uu shalay ka cararay magaalada Mogadishu, isagoo sii raacay Duulimaadkii Ethiopian Airlines, si aan dacwad loogu soo oogin, waxeyna talaabadani sii xoojisay tuhunka ah inuusan Farmaajo dib isu soo sharxi doonin.

Wararka ayaa sheegay in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Farmaajo & Fahad qaabka ay u wajahayaan isbedelka cusub iyo Musharaxa ay taageerayaan, wuxuuna Farmaajo welwel iyo madax xanuun ka qaaday isbedelka xowliga ku socda, iyo Baxsashada ee Qadar.

Sidoo kale, waxey Doorashadaan u diireysaa Kooxda Farmaajo fariin kale oo xambaarsan inuu bilaawday geedi-socod cusub oo lagu bedelaayo nidaamkii kali taliska Farmaajo, iyagoo lagu eedeeyay iney 5-tii sano ee u dambeysay geysteen xar-gudubyo sharciyadeed iyo mid Dastuuri, taasoo u baahan in lagula xisaabtamo.

Asaasaha Free Ambulance ee Caasimada Mogdishu ayaa codsi u diray Xikdhibaanada Labada Aqal, wuxuuna ka codsaday iney diyaariyaan sharciyo oggolaanaya in la maxkamadeeyo Madaxweynihii hore iyo Xubnihii ku gacan siiyay iney geystaan gabood falo iyo ku xadgudubka Shuruucda iyo Dastuurka Dalka mudadii Shantii sano aheyd uu Dalka Maamulaayay.

185970cookie-checkKadib Guuldarooyinkii Doorashada Gudoonada Baarlamaanka Farmaajo Oo Ka Fekeraaya..