Wasaarada Amniga Oo Joojisay Mashruuca SJGAB ee La-Talinta & Sababta ka Dambeysa..

Somalia news

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu joojiyay Heshiiska dhanka la-talinta oo Samira Gaid ee Mashruuca SJGAB, kaasoo ay maalgeliso Midowga Yurub, sababo la xiriira qoraaladeeda siyaasadeed ee Twitter-ka, kuwaasoo loo arkay inay khilaafsan yihiin “madaxbannaanida iyo dhexdhexaadnimada” looga baahan yahay doorka latalinta..

Tallaabadaan ay Hogaanka Wasaaradu u qaaday ayaa loo arkaa mid keenayo walaac ka xiriira xoriyadda hadalka iyo suurtagalnimada caburinta aragtida shaqsiyadeed ee Mashaariicda Dadweynaha, iyadoo qaarkood ay tilmaamayaan inay tahay mid siyaasadeed.

Maamulkii Kooxdii hore ee NN ayaa caan ku ahaa tallaabooyinkan noocaan ah, iyadoo sidan oo kale Muwaadiniin iyo Shaqsiyaad Ajaaniib ah Shaqooyin iyo Qandaraasyo ka heystay Hey’ado ay sidaan oo kale shaqada uga joojiyeen.

318740cookie-checkWasaarada Amniga Oo Joojisay Mashruuca SJGAB ee La-Talinta & Sababta ka Dambeysa..