Dowlada Federaalka Oo Ka Laabaneysa Go’aankii ay uga Saartay Ciidamada Ethiopia kuwa AUSSOM..

Africa News Security Somalia news

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Hogaanka Villa Somalia ayaa lagu wadaa inay ka laabato go’aankii ay Ciidamada Ethiopia uga saartay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM ee bilaabanaaya horaanta sanadka 2025 kadib heshiiskii Ankara…

Ilo diblomaasiyadeed oo xog ogaal ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Gobolada Dalka qaarkood ay sii joogi doonaan kana mid ahaadaan howlgalka cusub, iyadoo Hogamiyaha Villa Somalia uu dhawaan amaan kala dul dhacay Ciidamadaan iney naf-hurnimo u sameeyeen Amaanka Xasiloonida Dalka.

Joogitaanka Ciidamada Ethiopia u aragta tallaabo soo dadajin karta in Dowladda Ethiopia ka baxado heshiiska Maamulka Gooni goosadka ee Somaliland ay la gashay ee ahaa inay deked Ciidan xeebaha Somalia, Dalalka Saaxiibada caalamiga ah ee Somalia ayaa sidoo kale taageersan Heshiiska iyo ka qaybgalka ee Hawlgalka cusub ee AU-da.

ku darsoo Dalka Egypt ayaa qorshaynaysa inay ku dhowaad 10,000 Askari oo Masaari ah ay geyso Somalia, si ay u beddelaan ciidamada Ethiopia ee Somalia jooga, inkastoo qorshahaan uu isbedel ku imaan karto heshiiska kadib, sidoo kale Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa lagu wadaa inuu maanta yeesho kalfadhiggii 1253-aad ee heer wasiir, kaasoo looga hadlayo xaaladda Somalia iyo qabanqaabada Amniga ee howlgalka ATMIS-ka kadib.

353650cookie-checkDowlada Federaalka Oo Ka Laabaneysa Go’aankii ay uga Saartay Ciidamada Ethiopia kuwa AUSSOM..