Soomaali Halgan ugu jirta Doorashada Golayaasha Degaanada Dalka Mareykanka

Somalia news U.S.

Iyadoo ay soo dhawaatay xiligii dhexe ee Doorashada Mareykanka, ayaa waxaa soo shaac baxaaya tiro badan oo Musharaxiin u badan Dhalinyaro oo asalkoodu Somalia ka soo jeeda oo sanadkaan u tartamayaan Golaha Congress-ka iyo Golayaasha degaanada Gobolada Dalkaasi…

Siyaasiyiintaan cusub ee Soomaalida ayaa olalohooda waxey diirada ku saarayaan wax ka qabashada arrimaha kordhinta Guryaha, daryeelka Caruurta iyo Dadka waa-weyn iyo kordhinta maalgelinta Dugsiyada iyo arrimaha Caafimaadka, kuwaasoo toos saameyn ugu leh nolosha Dadka.

Guud ahaan 11-Musharax oo Somali-Mareykan ah ayaa u taagan Kuraasta Sharci dejinta Gobolada Minnesota, Maine, Oregon, Ohio, Washington State Iyo kuwo kale, tiro kale oo Soomaali ah ayaa xilal ka haya, Golayaasha Degaanka, Guddiyada Dugsiyada, waana talaabo mudan dhiiri gelin iney Soomaalida ka soo muuqdaan saaxada Siyaasada Dalka Mareykanka.

220340cookie-checkSoomaali Halgan ugu jirta Doorashada Golayaasha Degaanada Dalka Mareykanka