Degmada B/Xaawo Oo Khilaafka Xudunta U Ah Gobolka Gedo

Somalia news

Laga soo bilaabo sanadkii 1991-kii ilaa 2021-ka waxaa Degmada Beled Xaawo Ee Gobolka Gedo maamulayay maamulo Hubeysan isaga kala dambeeyay, kuwaasoo dagaalo is xigay isaga qabsaday, Muwaadiniin badan ku naf-waayeen, waxaana dagaaladaasi lagu eedeeyaa iney si toos ah ugu lug yeesheen Dalalka Kenya iyo Ethiopia una diiday iney xasilooni ku negaadaan Shacbiga Degmada….

Maamulka Villa Somalia oo kaashanaaya Ciidamada Ethiopia oo muddo 25-sano ku sugan Magaalada Doolow ayaa ka qabsaday Maamulka Dowlad goboleedka Jubbaland uu dhisay Degmooyinka Luuq iyo B/Xaawo, kadib doorashadii lagu murmay ee 22-kii bishii August ee sanadkii 2019 lagu qabtay Magaalada Kismaayo, dib-na loogu soo doortay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Ciidamada Dowladda ayaa bishii March ee sanadkaasi fashiliyay weerar kaga yimid Ciidamada Jubbaland.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee Beled Xaawo ka dhacayna waa midkii 25-kii bishan ku dhex maray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland, oo galaaftay nolosha in ka badan shan iyo labaatan qof, oo rayid u badnaa.

Prof.Kabire oo ah Khabiir ku xeel dheer Arrimaha Siyaasada Dalka ayaa sheegay “Waxay u muuqataa sababta ugu weyn waa meesha ay ku taalo magaalada, Laba dal (Kenya iyo Ethiopia) meel ay Somalia xuduud kula leedahay, oo dadka deriska kula ahna ay Soomaali yihiin, laakiin saameynta iyo gacan ku heynta Magaalada ayaa la sheegay iney ku hardamayaan labada dal, iyagoo adeegsanaaya Somali kale, waan Ayaan darro.”

Sida Ugu sahlan Ee ay Dhibaatada iyo dagaalada ugu bixi karaan ayaa ah, in Dadka Degaanka loo Madax-baneeyo iney iyagu aayahooda ka tashadaan isla markaasna ay doortaan maamul loo dhan yahay, lagana Qaado Ciidamada la dhoobay Degmada, Culeys-siyaasadeedna lagu saaro Dalalka deriska iney faraha kala baxaan Arrimaha gudaha Ee Somalia.

90730cookie-checkDegmada B/Xaawo Oo Khilaafka Xudunta U Ah Gobolka Gedo