Share the post "Dowlada Federaalka Oo Hakisay Duulimaadyadii Tegi lahaa Doolow & Kismaayo.."
Amar ayeey Dowlada Federaalka ku soo rogtay Duulimaadyadii tagi lahaa Magaalooyinka Kismaayo & Doolow kadib markii Diyaarada Halla airlines ay Hub iyo Ciidamo ka qaaday magaalada Kismaayo ku dejisay Magaalada Doolow, kadib markii Maamulka Shirkada la sheegay iney jebiyeen Awaamiirta Dowladda..
Xuuraano loo qaateen ayaa xaqiijinaaya in in aanay jirin maanta duulimaadyo tagaaya Magaalooyinka kor ku xusan ilaa amar dambe aadi doona ama ka degi kara labadaas magaalo oo mid Axmed Madoobe heysto, Dowladda ayaa la sheegay inay qorsheynayso in Ciidamada Dowladda ay maanta ka dejiso Degmada Doolow oo ay saarto magaalada Ciidamada Ethiopia oo dagaal shalay ay geysteen kuna dileen Tiro Askar ka tirsan Ciidamada.
Warar loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in
Taliyiha NISA ee Degmada Doolow G/Sare Shiiqaalow iyo Ciiidan uu hoggaaminayo ay weli ka dhex dagaalamayaan Doolow, halkaasoo la carrababaay inay ka xoreynayaan Ethiopia iyo kuwa daacad u ah Axmed Madoobe balse kasoo jeeda Beesha Mareexaan.