Wasaarada Kaluumeysiga Oo Heshiis Buuq Dhaliyay u Cusbooneysiiyay Shirkado Chines ah..

Somalia news

Warar dheeraad ah ah ayaa laga helayaa kadib markii culeys iyo Amar ka yimid Madaxtooyada Villa Somalia lagu saaray Wasiirka Kaluumeysiga Dowladda Federaalka inuu u cusbooneysiiyo shirkado Chines iney ka jilaaban karaan noocyada Kaluunka Xisaab iyo Kontrol la’aan…

Wasiirka Wasaarada Kaluumeysiga Axmed Xasan Aadan oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha China ee Somalia Fei Shengcha, waxeyna ka wada hadleen cusbooneysiinta heshiiska ee Shiinaha laguna magacaabo Chinese Fishing Cooperation, iyadoo dood weyn ay ka taagan tahay heshiiskaan iyo Somalia ay awood u laheyn iney xakameyso xaalufinta Kaluunka iyo Ugxaanta ee Maraakiibta Jiraafka China.

Heshiiskan oo markiisii hore la galay dabayaaqadii sannadkii 2018-ka, ayaa dhamaaday sanadkii hore, waxana uu oggolaanayaa in maraakiibta Kalluumaysiga ee China ay oggolaansho ka qaataan Dawladda Federaalka si ay u kalluumaystaan xilli cayiman, una qabsadaan kalluun gaar ah.

Kaluunka nooca Tunnaha ayaa xiliyo cayiman laga helaa Badda, talaabaan oo ka dhogan in xiliyo gaar ah u yimaado Kaluunkaan xeebaha Somalia, ku darsoo ma jirto cid ku ilaalisa Shirkadaan oo oo kulmiso 300-Shirkadood Kaluumeysyo Chines ah, iyadoo Wiilka Madaxweynaha Somalia uu ka mid noqday Saamileyda Shirkadda China.

270930cookie-checkWasaarada Kaluumeysiga Oo Heshiis Buuq Dhaliyay u Cusbooneysiiyay Shirkado Chines ah..