Wararkii ugu Dambeeyay Dhaqdhaqaaqyada Ciidan ee iskaga soo Horjeeda Hir-shabelle

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in degaanada ku xeeran xadka kala qeybiya Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe laga soo sheegaayo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo iska soo horjeeda, xilli goboladaasi ay in muddo ahba ka socdeen hawlgalo ka dhan ah Maleeshiyaadka Shabaabka…

Xogtaan ayaa warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Ciidamada Xoogga Dalka, oo kaashanaaya kuwa degaanka la soo sheegay iney wadaan abaabul ay kaga gaashamanayaan suurtagalnimada weeraro xilligan kaga yimaada maleeshiyadaasi, kuwaasoo maalmihii ugu dambeeyay waday Abaabul xoogan ayna soo buuxdhaafiyeen aagga xuduudda 2-da Gobol.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in maleeshiyaadka Shabaabku ay sidoo kale maalmihii ugu dambeysay maleeshiyaad tiro-badan ka soo uruuriyeen Gobollada dalka qaarkood, si ay ugu xoojiyaan qorshaha ay ku doonayaan iney ku difaacdaan Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Dhanka kale Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in Kooxda Shababka ay degaan xeebeedka Gaan ay ka soo degaadeen Hub iyo Rasaas aad u tiro badan kuwaasoo laga keenay Dalka Yemen, waxaana la sheegay in dhaqdhaqaaqa Dekeda iyo Degmada Xaradheere ay xiyireen, inta lagu guda jiray dejinta iyo daabulka.

227120cookie-checkWararkii ugu Dambeeyay Dhaqdhaqaaqyada Ciidan ee iskaga soo Horjeeda Hir-shabelle