Dagaal Dib uga Qarxay Degaanka Dacawaley ee Kilinka Soomaalida Ethiopia..

Africa News Security Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanka Dacawaley oo ka tirsan Degmada Xarshin ee Gobolka Faafan ee Dowlad degaanka Soomaalida DDS ayaa sheegaya inuu saaka halkaasi ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya Xoogaga Amaanka ee Maamulka DDS iyo Maleeshiyaad Beesha Isaaq..

Dagaalkan oo bilowday 6-dii aroornimo ee maanta ayaa waxa uu ka bilowday magaalada Dacawaley iyo magaalooyinka oo katirsan degmada Xarshin ee Dowlad Degaanka Soomaalida, waxaana lasoo sheegayaa in dagaalka la isku adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo ay jiraan khasaare ka dhashay dagaalka.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee ilaa hadda ka dhashay dagaalkan maanta, balse wararka ka imaanaya dhinaca Dowladda ayaa sheegaya in khasaare badan loo gaystay maleeshiyaadkii dhawaan weerarka ku qaaday Ciidamada Degaanka Soomaalida, sidoo kale Warbaahinta taageerta Dowladda ayaa iyaduna soo bandhigtay Gadiid lagu sheegay in laga qabsaday Maleeshiyaadka soo duulay.

Dhinaca kale, ilo wareedyo ayaa sheegaya in la xiray guud ahaan xuduudka uu degaanka Soomaalidu la wadaago Somaliland, gaar ahaan aagaga uu maanta dagaalku ka socdo, waxaa xuduuda saaka xiray Ciidanka Ethiopia oo kaashanaya kuwa Dowlad Degaanka Soomaalida, sababta ayaa lagu fasiray si aysan gurmad dibadda ah u helin Maleeshiyaadka ku sugan gudaha Dacawaley.

354460cookie-checkDagaal Dib uga Qarxay Degaanka Dacawaley ee Kilinka Soomaalida Ethiopia..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *