Maxkamadda Ciidamada Iyo Marin-HababintaCadaalada

Somalia news

10-kii Sano ee ugu dambeysay Waxaa aad u soo kordhaayay Go’aanada adag ee Sharciga, Dastuurka iyo Xuquuqda Muwaadinka baalmarsan ay soo saaraan Garsoorka Maxkamadaha Ciidamada, isla markaasna la la meel dhigay Xukunada ay gaaraan Maxkamadaha Kooxaha argagixisada…

Dhowaan ayaa mid ka mid ah Garsoorka Maxkamadda Ciidamada uu goob fagaare ah kaga dhawaaqay in dacwado lagu soo oogo Ehelada iyo qaraabada La bar-garanaayo Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka ee ka mid ah Mas’uuliyiinta Iyo Shaqaalaha Dowlada.

Madaxa Garsoorka ee Maxkamadda Ciidamada ee Rafcaanka Mr.Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay “In Dadka ay ka mid yihiin Madax, Shaqaale iyo Saraakiil Dowladeed ee Caruurtooda ka tirsan yihiin Kooxaha argagixisada dacwado lagu soo oogo, si loo xoojiyo Howlaha Amniga sugida Dalka.

Sarkaalkaan Oo xiligaasi la hadlaayay Saraakiisha Baarayaasha Dembiyada ee Boliiska iyo Ciidamada, wuxuuna ku adkeeyay “ Waxyaabaha aan ka rabno Kiis-Baarayaasha iney qabtaan ayaa ah in Ehelada iyo Saraakiisha Dowlada ee Xubnaha Kooxaha argagixisada Waa in galdacwadeed laga furaa Oo su’aalo la weydiiyaa.

Sarkaalkaan ayaa Hadalkiisa wuxuu baalmarsan yahay Dastuurka, Shuruucda Dalka iyo Xuquuqda asaasiga ah ee Muwaadinka, waana ayaan darro in Maxkamadaha Ciidamada ay noqdaan aalad lagu cabsi geliyo laguna caburiyo Muwaadinka iyo Shaqaalaha Dowlada.

50400cookie-checkMaxkamadda Ciidamada Iyo Marin-HababintaCadaalada