Ma Dhabaa in Dhalinyaro Gadoodsan ay Isbaarooyin Dhigteen Wadada Gaalkacyo-Garoowe

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Isbaarooyin ah dhigteen Dhaliyaro ka careysan muran iyo isqabqabsi Todobaadyadii la soo dhaafay ka jiray arrimaha ka ganacsiga Jaadka, iyadoo la sheegay in Madaxweynaha Puntland uu qorsheeyay inuu Qoyskiisa u xiro Qaadka Kenya si ay uga macaashaan…

Wararka ayaa sheegay iney go’an tahay isu socodka Gaadiidka u kala gooshaya qeybo ka mid ah laamiga dheer ee isku xira Gobolada Nugaal iyo Mudug kadib markay jidgooyo dhigteen dhalinyaro hubaysan, inta u dhaxeysa Tuulooyinka Birta dheer iyo Ooman, kuwaasoo aad uga carooday.

Xubno kamid ah Ganacsatada Jaadka Gobolka Nugaal ayaa sheegay in shaati dowladeed lagu duudsiiyay xaquuqdii ay u lahaayeen ka ganacsiga Qaadka laga soo dhoofiyo dalalka deriska Kenya iyo Ethiopia, wararka tilmaamaya in awood loo sheeganaayo.

Sida loo sheegay Warsidahaan, saddex qodob ayaa ugu waa weynaa Khilaafka Xasan Sheekh iyo Saciid Dani, kuwaasoo kala ahaa in Qoyska Saciid Deni loo xiro Qaadka Kenya ee tagaya degaanada Puntland, in lagala tashto xilalka heer Federaalka ee loo magacaabayo xubnaha kasoo jeeda Puntland iyo in saldhigga Imaaraadka ee Soomaaliya uu noqdo mid heer Puntland ah.

230340cookie-checkMa Dhabaa in Dhalinyaro Gadoodsan ay Isbaarooyin Dhigteen Wadada Gaalkacyo-Garoowe