Share the post "Hey’adda FBI ee USA oo Dooneysa iney CID Boliiska Somalia ka Caawiso Hirgelinta Nidaamka Biometric.."
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe ay ku dooneyso in Hey’adda FBI Ee Mareykanka ku hesho Shirkado gaar ah ama Hay’ado khibrad u leh ama si ay gacan uga geystaan Hirgelinta ama Maamulidda Nidaamka Aqoonsiga Biometric Automated (ABIS) ee Boliiska Somalia..
Dhawaaqaan ayeey Saraakisha FBI ku sheegeen iney raadineyso iibiyayaal bixin kara adeegyo badan oo farsamo, sida saadka, iyo tababarada si ay u taageeraan Hirgelinta iyo Dayactirka Nidaamka aqoonsiga biometric ee Somalia, kaasoo Boliiska Soomaaliyeed awood u siinaaya in la xoojiyo awooda Baarista Dembiyada ka hortagga argagixisada iyada oo loo marayo teknoolojiyad aqooneed oo horumarsan oo biometric ah.
Hindisahan ayaa sidoo kale ka tarjumaya in Dowladda Federaalka Somalia ay ka faa’iidaysato Tignoolajiyada horumarsan si wax looga qabto caqabadaha amniga caalamiga ah, FBI-yadu waxay sheegtay in nidaamkan uu door muhiim ah ka ciyaaraa in Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (SPF) uu awood u yeesho in uu si hufan u aqoonsado shakhsiyaadka lala xiriirinayo fal-dembiyeedka ama falalka argagixisada.