Ma Dhabaa in Dowlada Kenya ay Ka Baxday Qodob ka mid ah Heshiiskii ay la Gaartay Somalia

Africa News Somalia news

Warar hordhac ah ayaa muujinaaya in Dowlada Kenya ayaan daacad ka aheyd heshiiskii ay dhawaan la gashay Dowlada Federaalka Somalia, iyadoo saddexdii todobaad ee ugu dambeysey hakad ay hakad geliyeen dal-ku-galka (VISA) dalka Kenya in lagu helo Baasaboorka Soomaaliga…

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa heshiis lagalay 15 Luulyo wax yar ka hor doorshadii dalka Kenya Madaxweynaihii xilka ka sii degaayey, waxaana ka mid ahaa qodobada heshiiskaas.

  • In Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wata Baasaboorka Diblomaasiyadda ay fiisada ku helaan markii ay garoonka ka soo degaan oo aan lag dhibin.
  • In Baasaboorka caadiga ah Muwaadiniinta wata ee Soomaaliyeed ay fiisada ku helaan muddo ka yar 10 maalmood.
  • Waxaa lagu heshiiyey in la furo xuduuda labada dal si loo fududeeyo isu socodka dadka, korna loogu qaado ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay William Ruto ayaa la joojiyey bixinta dal-ku-galka ama VISA, waxaa markii hore lagu sheegay isbeddel shaqo laakiin taasi meesha waa ka baxdey, hadda waxaana jira arrimo siyaasadeed oo kale.

Dhanka kale waxaa shaqeynaya qodobka ugu muhimsanaa heshiiska ee Kenya ay ku lahayd ee ah in qaadka Miiraaga loo soo dhoofiyo dalka kaas oo xanibaad saarneyd tan iyo sanadkii 2019.

Sida loo sheegay Warsidaha Diinah.com news Dowladda Federaalku waa la socotaa in Dowlada Kenya ay joojisey bixinta Fiisada, mana jirto wax tallaabo ah oo ay qaadey ilaa hadda.

218730cookie-checkMa Dhabaa in Dowlada Kenya ay Ka Baxday Qodob ka mid ah Heshiiskii ay la Gaartay Somalia