Ma Dhabaa In Muddada Loo Kordhiyay Magacaabista Wasiirka 1-aad

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in Madaxweyne Farmajo uu qoraal codsi ah u diray Gudoonka Baarlamaanka Federaalka, isagoo ka codsaday in muddo loogu kordhiyo soo magacaabista xilka Ra’isul Wasaaraha, wuxuuna ku fasiray qoraalkiisa in wada tashiyo dheeraad loo baahan yahay in laga yeesho….

Xogtaan ayaa sheegtay in Guddoonka Baarlamaanka uu soo saari doono warqad uu kaga dalbanaayo Mr.Farmaajo inuu xilka Ra’isul Wasaaraha ku magacaabo muddo toban (10) maalmood gudaheed ah, taasoo la rabo in Xildhibaanada iyo Shacbiga Soomaaliyeed lagu indha-sarcaadiyo Fashilka Maamulka Farmaajo iyo Gudoonkaba ka heysta Xaalada taagan.

RW hore Mr.Xasan Cali Kheyre ayaa xilka laga qaaday 32 maalmood ka hor, mana dhicin taariikhda JFS in dalka uu ahaado Ra’isul Wasaare la’aan muddo ka badan 30 maalmood.

Ujeedka ugu weyn ee Mr.Farmaajo u hakinaayo magacaabidda Ra’isul Wasaaraha ayaa dadka odoras siyaasadda waxa ay ku fasireen iney tahay in saami qeybsiga beesha Hawiye uusan culeys ku noqon marka lala gorgortamayo Dowlad Goboleedyada shir lagu wado inuu 1-da Sep-2020 ka furmo Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

57100cookie-checkMa Dhabaa In Muddada Loo Kordhiyay Magacaabista Wasiirka 1-aad