Share the post "Adeegyada Caafimaadka & Isbitaalada Somalia oo Horumar Sameynaya Inkastoo…"
Inkastoo ay weli jiraan Bukaano Soomaaliyeed oo loogu qaado Dalka Dibadiisa, si Adeega Caafiimaad oo dhameystiran u helaan Bacdamaa aan Dalka gudihiisa waxba looga qaban karin, Adeegyada noocan oo kale ah waxaa lagu bixiyaa Dhaqaale badan, iyadoo Isbitaalada Dalku Dadwaynuhu siiyaan adeegyada caafimaadka degdega ah ee naf-badbaadinta ee aasaasiga ah..
Qaar ka mid ah Khuburada Caafimaad ee Somalia ayaa sheegay in xilligan gudaha Dalka laga heli karo adeegyo caafimaad oo muhiim ah oo markii hore dibadda loo doonan jiray, inkastoo ay wali jiraan bukaano dibadda u aado baahiyo caafimaad oo aan gudaha dalka wax looga qaban karin.
Khubarada Caafimaadka ayaa hoosta ka xariiqay iney jiraan Cuduro badan oo Weli Aqoonta Dhakhaatiirta iyo Isbitaalada Qalabyada ay ku shaqeeyaan aysan buuxin karin sida Cudurka Kansarka oo noocyadiisa tirada badan inkastoo qaarkood la daweyn karo, hadana kororka tirada Bukaanada uu soo riti Cudurkaan ayaa Dalka ku soo badanaaya, iyadoo lagu sababeeyay Tayada hooseysa Raashinka Dalka la keeno iyo daawooyinka.