Midowga Africa Oo Ansixyay Dhaqaale Lagu Tirakoobaayo Somalia

Somalia news

Guddiga maamulka ee Sanduuqa Horumarinta Afrika ayaa ansixiyay dhaqaale dhan 4.3 milyan oo US$ ah oo lagu taageerayo horumarinta tirakoobka Dalka Somalia, iyadoo sidoo kale Shaqaalaha qabanaaya Howshaan Tababaro la siin doono..

Sanduuqa Horumarinta Afrika, oo ah daaqadda tanaasulka ee Kooxda Bangiga Horumarinta Afrika, ayaa oggolaatay deeqda 14-kii Febraayo, Mashruuca Taageerada Horumarinta Tirakoobka ee Somalia ayaa ka koobnaan doona bixinta kaalmo farsamo iyo tababarid shaqaalaha Xafiiska Tirakoobka Qaranka Somalia iyo Waaxaha Tirakoobka Dowlad Gobaleedyada Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland.

Ku dhawaad I90 shaqaale ayaa heli doona tababar ku saabsan xog ururinta, isbarbardhigida, falanqaynta iyo faafinta xogta tirakoobka. Hawlaha kale ee mashruuca kuwaas oo ay ka mid yihiin soo saarista buug-gacmeedyo iyo tilmaamo la jaan qaadaya hababka caalamiga ah ee xogta loo xareeyo.

Dhinaca kale waxa ay dhisi doontaa ICT ee Xafiiska Qaranka ee Tirakoobka iyo Waaxda Tirakoobka ee dawlad-goboleedyada ka faa’iidaysanaya Mushruucaan uu garwadeenka ka yahay Guddiga maamulka ee Sanduuqa Horumarinta Afrika.

169510cookie-checkMidowga Africa Oo Ansixyay Dhaqaale Lagu Tirakoobaayo Somalia