Qarax Dhimasho & Dhawac Sababay Oo lala Eegtay Ciidamo Keenyan ah

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo Kenyaan ah oo marayay deegaanka lagu magacaabo Husungoow, iyadoo qaraxaasi uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac….

Dad ku sugan deegaanka oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in maqleen dhawaqa Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah oo lagu bartilmaameedsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo Kenyaan ah.

Maleeshiyaadka Kooxda shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxan oo dhacay maalintii shalay waxey sheegeen in ay ku dileen ilaa 7 askari oo ka tirsan Ciidamada Kenya, Hasse ahaatee dhinaca saraakiisha ciidanka Kenya wax war ah kama aysan soo saarin qaraxan lagu weeraray ciidankooda.

Ciidamada Kenya ee qaraxu qabsaday ayaa la sheegay in ay furreen rasaas aad culus lamana sheegin dad shacab ah oo wax ku noqday.

86270cookie-checkQarax Dhimasho & Dhawac Sababay Oo lala Eegtay Ciidamo Keenyan ah