Oohinta waxaa laga dhigay wax sumcad ahaan aan haboonayn ama calaamad u ah daciifnimo sida awgeed Dad badan ayaa isku celiya ilmada, balse Cilmi Baarayaashu waxey muujinayaan in Oohintu ay leedahay faa’iidooyin ay ka mid yihiin Dejinta Xanuunka jirka iyo kan Nafsiga ah, sidoo kalena ay soo deyso hormoonada “endorphins” iyo “oxytocin” kuwaasoo yareeya stress-ka…
Laakiin ka waran haddii aad tahay qof oohin badan, iyo sababta Dadka qaar ay uga oohin badan yihiin Dadka kale, goormee se oohintu ay noqon kartaa mid xad dhaaf ah, Waa kuwaan 4-da Sababood oo horseeda Oohinta.
–Qofka Naxariista badan:
Waxaa jira arrimo badan oo keeni kara in qofku uu ka oohin bato qofka ku xiga ama dhiniciisa jooga, arrimahaasi waxaa ka mid ah heerka naxariistiisa oo aad u sarreysa. Dadka qaar, ayaa si dabiici ugu nugul dadka kale, taasoo keenta shucuur aad u sarreysa. Tusaale ahaan, dadka kale dhibkooda waxa ay ula dareemaan inuu iyaga ku dhacay oo kale.
-Waxaa lagu baray yaraantaadii:
Qoysku saamayn weyn ayuu ku yeelan kara oohintaada. Haddii yaraantaadii oohinta lagaaga dhigay wax ceeb ah, ama qasab lagugu aamusin jiray marka aad ooydo, waxay keenaysaa inaad isku celiso illinta ama aad iska ilaaliso inaad dareenkaaga ku cabbirto oohin, Dhinaca kale, haddii caruurnimadaadii aan laguu diidin jirin oohinta ama lagugu dhiiragelin jiray inaad dareenkaaga cabbirto iskuma celinaysid oohinta ama ma dareemaysid cadaadis ah inaad isku celiso illinta.
–Stress-ka badan
Haddii aad tahay qof caadi ahaan aan oohin badnayn, balse beryahaan dambe aad isku aragtay oohin badan, waxaa dhici karta inay ku hayaan burbur iyo stress badan. Sida la ogyahay, qofka oo heli waaya hurdo ku filan waxa ay saamayn kartaa dareemadiisa taas oo adkeyn karta nidaaminta dareemada, Waxaa xusid mudan, stress-ku wuxuu kaa dhigi karaa qof xanaaq dhow ama niyad ahaan isbedbedela, taas oo keeni karta illin badan.
–Hide-Sidaha ku jiraa (DNA)
Oohintu badan waxay noqon kartaa dabeecad aad ka hidde raacday qoyskaaga. Daraasaduhu ma tilmaamayaan oo keliya in laga kala dhaxlo sida ay u shaqeeyaan dareemadu balse waxay kaloo muujinayaan in dadka dareen ahaan aadka u debecsan ay maskaxdoodu in yar ka duwanaan karto dadka kale, tusaale ahaan, inuu siyaado qulqulka dhiigga ee gaaraya maskaxda qaybta qaabilsan dareemada iyo naxariista