Ma Dhabaa in Cutubyo Ka Tirsan Ciidamadii Eritrea lagu Tababaray ay Ka Howl galayaan…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in ilaa 3-Urur oo ka tirsan Ciidamadii lagu tababaray Dalka Eritrea ay Wasaarada Gaashadhigga Dowladda Federaalka u qorsheysay iney ka howlgalaan Degaanada Maamulka Jubooyinka….

Xogtaan ayaa Waraidaha Diinah.com news ayaa u sheegtay in heshiis hoose ay wada gaareen Madaxweynaha Somalia iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, iyadoo Ciidamadaan dhawaan loo daabuli doono Magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow, iyadoo qorshuhu yahay iney Qabtaan magaaloolinyka Bu’aale iyo Jilib oo ka tirsan Gobolka Jubada dhexe.

Sida ila wareedku sheegayaan Guutadaan iyo kuwii Federaalka horey u joogay waxey ka amar qaadanayaan Wasaarada Gaashandhigga, iyadoo howlfulinta iyo degaanada ay duulanka ku qaadayaan waxaa loo gacan baneeyay iney soo diyaariyaan Maamulka Jubbaland.

Sida Qorshahaan u fulo iyo sida loo maareeyo Xiisadaha ka taagan Gobolka Gedo ayaa noqon doonta halbeeg lagu cabiro Mustaqbalka dhaqan gelinta heshiiskaan qarsoon, waxeyna u sahli doontaa iney Doorashooyin ay ka dhacaan Sanadka 2024-ka, lamana yaqaano sida Beesha Mareexaan u liqi karto Heshiiskaan.

237810cookie-checkMa Dhabaa in Cutubyo Ka Tirsan Ciidamadii Eritrea lagu Tababaray ay Ka Howl galayaan…