Somalia oo ku baaqday in wax laga qabto Sababaha keenay isku dhacyada Badda Cas

Security Somalia news World

Somalia ayaa codkeeda ku taageertay Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ee tirsigiisu yahay 2768 (2025), kaasoo ka hadlaya sida Golaha Amaanku uga go’an yahay Nabadda iyo Xasilloonida Gobolka Badda Cas…

Bayaan ay soo saartay oo la socotay codkeeda, ayay Somalia ku sheegtay baahida loo qabo in wax laga qabto sababaha keenay iska-horimaadyada saameeya Badda Cas, kuwaas oo ay ka mid yihiin xasillooni darro siyaasadeed, kala duwanaansho Dhaqaale iyo Dembiyada ka baxsan sida burcad badeedda iyo tahriibka.

Dowladda Somalia ayaa sidoo kale tilmaamtay muhiimadda ay leedahay in la is ixtiraamo loona hoggaansamo madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xeebaha ah taasoo tiir-dhexaad u ah nabad iyo wadashaqeyn waarta.

357210cookie-checkSomalia oo ku baaqday in wax laga qabto Sababaha keenay isku dhacyada Badda Cas

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *