Dagaal Ka Dhacay Degmada Diinsoor

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in maalintii shalay (Arbaco) lagu soo bandhigay meydadka laba Horjooge oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shabaab, kuwaasoo mid ka mida uu ahaa Horjooge….

Wararka ayaa sheegaya in Labadaan Horjooge ay ka mid ahaayeen ilaa 19-maleeshiyaad ah, oo maalin ka hor lagu dilay iska horimaad culus oo ka dhacay duleedka Degmada Diinsoor, dirirtaan ayaa timid, kadib markii Ciidamada Dowladda ay ku dhaqaaqeen mid ka mida wadooyinka laga soo galo degmadaasi, oo in muddo ahba ay ka go’doominayeen maleeshiyada Shababka.

Horjoogaha laga dilay Shabaabka oo lagu magacaabi jiray Cali Nuur Isgoowe ayaa meydkiisa la keenay Degmada Diinsoor, waxaana la arkaayay isagoo meydkiisa lagu jiid jiidaayo wadooyinka degmadaasi, Talaabadaan ayaa muujineysa carrada xoogga leh leh ee ka dhalatay go’doominta arxandarada leh, ee ay Kooxda Shabaabku ku hayaan Degmada Diinsoor, oo xilligan wajaheysa xaaladdii ugu darneyd ebid.

67770cookie-checkDagaal Ka Dhacay Degmada Diinsoor