Xildhibaano Lagu Horistaagay Isgoyska Dabka

Somalia news

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamida Xildhibaanada Mucaaradka ah kana mid ahaa 15 Xildhibaan ee magacyadooda xalay loo qaybiyey Ciidamada si ay uga horistaagaan inay galaan Xarunta Baarlamaanka ayaa ilaa hada ku xayiran Isgoyska Dabka , halkaasoo Ciidamada Amaanku ay u diidan yihiin inuu u gudbo Magaalada hoose….

Xildhibaanka waxaa wheleliya Xildhaabo kale oo aan tiradooda la sheegin, sida ay Warsidaha Diinah.com u xaqiijiyeen Dad arkaya Xildhibaanka oo la hadlaaya Ciidamada isbaarada si loogu ogolaado inuubu gudbo dhankaas iyo Baarlamaanka, waxaana la sheegay inuu dib u laabtay.

Inkastoo uu weli muran xoogan uu ka taagan yahay hoolka shirka, isla markaasna aan weli la furan kalfadhiga iyadoo lagu sababeynaayo koorum La’aan, Warar Ayaa sheegaya in laga yaabo in salaad duhur kadib la isku soo noqdo, inkastoo tiro badan oo Xildhibaanada Mucaaradka aysan isdiiwaan gelin.

106500cookie-checkXildhibaano Lagu Horistaagay Isgoyska Dabka