Share the post "Hogaanka Maamulka Somaliland oo Isbedel ku Sameeyay Hogaanada Hey’adaha Amaanka.."
Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Hogaanka Maamulka Somaliland ayaa isbedel ku sameeyay Hogaanada Hey’adaha Amniga, wuxuuna u magacaabay Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan Gaaxnuug, (Xooga) halka loo magacaabay C/raxmaan C/laahi Xasan Cabdi Dheere (Boliiska)..
Wararka ayaa sheegaya in Gaaxnuug oo ahaa Sarkaalkii ugu da’da yaraa ee loo magacaabo jagada ugu sarraysa ee ciidamada, isagoo shahaado ka qaatay Jaamacadda iyo master degree ka qaatay jaamacado ku yaala Ethiopia iyo UK, isagoo soo bartay Arrimaha Amaanka iyo Hoggaaminta, Sarkaalkaan ayaa sidoo kale la sheegay inuu shahaadada PhD-da ka diyaarinayaa culuumta milatariga ee sare ee jaamacad ku taal Taiwan, inkastoo uusan laheyn waayo aragnimo shaqo.
Mr.Cirro ayaa dhawaan u magacaabay Xilal tiro Dhalinyaro ah Agaasimayaal Guud er Wasaaradaha iyo Hey’adaha Maamulka Somaliland, Taliyihii hore ee Boliiska ayaa loo magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha ee arrimaha Amaanka, sidoo kale Madaxii hore ee Maleeshiyaadka Somaliland Nuux Taani ayaa Ka-taliye loo magacaabay.