Dagaal Safeyn ah Oo ka Dhacay Xalay Degmada Dayniile & Khasasraha ka Dhashay..

Somalia news

Faahfaahini dheeraad sh ayaa laga helayaa dagaal safeyn ah oo ka dhashay kursi maqaayadeed oo lagu murmay kaasoo geystay dhimasho & dhaawac sababay wuxuuna xalay ka dhacay Degmada Dayniile ee Gobolka Benaadir…

Wararka ayaa sheegaya in gacan ka hadalka la isku adeegsaday mindiyo iyo baangado uu ka dhacay xaafada Siisii ,gaar ahaan afaafka hore ee Masjidka Muumino Ceelbuur, wuxuuna ka bilowday muran ka dhashay maqaayad shaaha laga cabo, gaar ahaan kursi la isku qabsaday, waxaana dhinacyada isku dhacay u kala yimid gurmadyo.

Inta la xaqiijiyay hal Qof oo ka mid ahaa dadkii dagaalamay ayaa dhintay, halka mid kalana dhaawac soo gaaray, waxaana la xiray qaar kamid ah dadkii gacan ka hadalka ku lugta lahaa, Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka waxaa mararka qaarkood ka dhaca gacan ka hadal ka dhasha waxyaabo aan macno badan laheyn kuwaasoo aakhirkii sababa dhimasho iyo dhaawac aan loo baahneyn

279870cookie-checkDagaal Safeyn ah Oo ka Dhacay Xalay Degmada Dayniile & Khasasraha ka Dhashay..