Ma Dhabaa in Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha ay ka Qeyb Galayaan Madaxweynayaal..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in tiro Madaxweynayaal ah iyo Wakiilo beesha Caalamka ah lagu wado iney ka soo qeyb galaan Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Somalia oo lagu wado iney ka dhacdo 9-ka bishaan xarunta Madaxtooyada Villa Somalia….

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Kenya, Djibouti iyo Uganda ayaa lagu wadaa iney ka soo qeyb galaan Xafladaasi Halka Burundi iyo Ethiopia ay ergo u soo dirsan doonaan, waxaana la hubin in Eritrea ay wafdi u soo diri doonto inkastoo Safarka u horeeya ee Madaxweynaha Somalia uu ku tegi doono Dalka Eritrea.

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Madaxweynihii hore Mr.Farmaajo lagu martiqaaday Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha, kadibna marka uu maro Dhaarta Xildhibaanimo uu Safar bilo qaadan doona uu ku tegi doono Dalalka Qatar & Turkiga, si uu uga kabsado guuldaradii Doorashada.

192960cookie-checkMa Dhabaa in Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha ay ka Qeyb Galayaan Madaxweynayaal..