Share the post "Dadaalo Lagu Heshiisiinaayo Axmed Madoobe & Saciid Deni Oo Nairobi Laga Wado.."
Xuuraanada naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in dhawaanahaan ay Waxgarad iyo Odayaal-dhaqmeed ka soo jeeda Beelaha Daarood ay dhawaan yeesheen shir ay ku xalinayeen khilaafaadyo hoose oo u dhaxeeya Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, kaasoo soo jiitamaayay ilaa Doorashadii Xasan Sheekh…
Ergadaan oo la kulmeen Madaxweynaha Jubbaland, ayaa waxay u soo jeediyeen inuu wada hadal la galo Madaxweynaha Puntland, si loo dhameeyo khilaafkooda siyaasadeed ee mudada ka dhex taagnaa, xuuraanada ayaa xaqiijiyay in Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu muujiyay rabitaankiisa ku aadan inuu la heshiiyo Deni, oo weli ka careysan doorkii Madoobe ee ku aadanaa inuu helo codadka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud doorashadii hore. Iyadoo arrimahaas la eegayo ayaa la filayaa in Guddigaan ay tagaan Garoowe si ay Deni ugu qanciyaan in heshiis la gaaro.
Waxa ay sheegeen in hadii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay heshiis gaaraan in sidoo kale ay taasi dhabaha u xaari karto wadashaqeyn dhexmarta madaxda mucaaradka ku ah Muqdisho, sida C/raxmaan C/shakuur iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Si kastaba ha ahaatee, xaaladda siyaasadeed ee hadda jirta waxay muujinaysaa in aanay jirin mucaarad midaysan, maadaama hoggaamiye kasta uu wado qorshe madax bannaan.
Horay ayay Dowlada Federaalka u soo saartay Warqad-qabasho maxkamadeed oo lagu soo xirayo Axmed Madoobe, iyadoo ku sababeysay inuu diiday qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu heshiiyey xilligii NCC. Marka la eego in ay u badan tahay in uusan ku xaqiijin karin xil dadweyne oo doorasho toos ah, mowqifkiisa ayaa weli ah qodob muhiim ah oo ay isku hayaan Dowlada Federaalka.