Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Naga Soo Gaaraya Dhuusa mareeb

Somalia news

Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxaya Magaalada Dhuusa mareeb ayaa sheegaya in Madaxwynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Puntland ay diidan yihiin in ciidamada kooficasta loo yaqaano ee ilaalada madaxtooyada una badan Beesha Madaxweynaha inay sugaan amniga goobta uu ka furmayo shirka, iyagoona dalbaday in loo daayo ciidamada Galmudug oo horey u sugay amniga shirkii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb…

Xalay Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka dhacay kulamo u dhaxeeyay Madaxda Dowlad Goboleedyad, iyaga oo ka arrinsanayay sida loo wajahayo shirka ay wada yeelan doonaan.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana ku sugan Ciidamo kala duwan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo gaar ah oo ay wataan Madaxda Sare ee dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Waxaa xiligaan Kulan albaabadu u xiran yihiin leh Mr.Farmaajo iyo Sheekh Axmed Madoobe, iyadoo xogtu ay tilmaameyso in xal laga Gaaray Murankii ka dhashay KMG-nimada Madaxweynaha Jubbaland, iyo Sidoo kale Ciidamada ilaalinaaya Xarunta Shirka uu ka socdo, waxaana loo daayay Ciidamada Galmudug.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Duhurnimadii gaaray magaalada Dhuusa mareeb ee Xarunta Galmudug.

Tegitaanka dani ayaa kusoo beegmaya xili ay socdaan shirar gaar gaar ah oo lagu qaadaa dhigayo Magaca Shirka u furmaya Dowlada Faderaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wada qorshe ah in magaca Shirku noqdo Shirka Golaha Amniga Qaranka halka madaxda Dowlad Goboleedyadu rabaan in shirkan loogu yeero, Shirka wadatashiga Dowlada Faderaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

48970cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Ee Naga Soo Gaaraya Dhuusa mareeb