Beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose Oo u Nugul Hanjabaadaha Shabaab iyo Dayaca Dowladda Federaalka..

Food Security Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogaaya in sanadihii ugu dambeeyay ay Beeraleyda Gobolka Shabeellaha hoose ay nodeen kuwo u Nugul Hanjabaadaha kooxda Argagixisada Shabaabka iyo Dayaca Dowladda Federaalka oo lagu eedeeyay iney ka gaabiyeen Mas’uuliyada ka saaran xoojinta Amaanka Gobolka…

Warbixinta oo dul istaagtay in Gobolka Shabeelada hoose uu muddo ku suntanaa jan ugu wax soo saarka badan Somalia dhanka beeraha, waxaana inta badan loogu magac daray “Dambiisha Qaranka”, Gobolku wuxuu caan ku yahay dalagyada kala duwan ee beeraha iyo wax soo saarka Khudaarta, wuxuuna udub dhexaad u yahay sahayda cuntada ee Dalka.

Hase yeeshee, Beeralayda Gobolka ayaa la kulmaaya cagajugley khatar ku ah noloshooda iyo kan Qoysaskooda, waxaana intaasi u dheer Baada laga qaado & in lagu amro ineysan dalagyada qaarkood aysan ku beeri karin beerahooda iyo iney Dhirta beerahooda ka baxdo aysan jari karin si ay gabaad uga dhigtaan kooxaha Argagixasada.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in inta badan Beeraleyda gobolka Shabeellaha Hoose ayaa isaga barakacay, waxaana lagu qasbay in ay ka guuraan dhulkooda, sababo kala duwan oo is biirsaday: Amni-xumo ay sababeen maleeshiyaadka Shabaabka, dagaal beeleedyo socday, iyo saameyn ba’an oo ka dhalatay isbedelka cimilada oo hoos u dhigay biyaha webiga iyo roobka da’a.

Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxaa hoos yimaada sideed 8-Degmo. Lix ka mid ah ayaa gacanta ku haya Dowladda, halka labada Degmo Kuntuwaarey iyo Sablaale ay weli ku sii jiraan gacanta kooxda argagixsada Shabaabka, Magaalooyinka sida Janaale, oo ah dhul barwaaqo ah, beeraleydu waxay sii wadaan dadaalkooda ku aadan tacbashada dalagyada inkasta oo ay jiraan xaalado aad u daran Dowladda Federaalkuna ka gaabiyeen iney dhiiri geliyaan isla markaasna amaankooda adkeeyaan.

358990cookie-checkBeeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose Oo u Nugul Hanjabaadaha Shabaab iyo Dayaca Dowladda Federaalka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *