Shaqaaqo xiriir la leh Dilkii Taliye Ciidan oo Sariirtiisa Miino Loogu Xiray ayaa Shan kale u Dhimatay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Maleeshiyo Hubeysan oo Beesha Mareexaan ka soo jeeda weerar ay ku qaaday Garoonka diyaaradaha magaalada Doolow isla markaasna ay isku dayern iney is-hortaag ku saneeyaan qaadista Dacwada uu u tagay Gudoomiyihii Maxkamadda Ciidamada…

Wararka ayaa sheegay in weerarka Maleeshiyaadkaan ay u geeriyoodeen ilaa 5-kale oo isugu jira Somali iyo Ethiopian taasoo xaalada cakiran ay uga sii dartay, Mas’uuliyiinta heer Degmo, Gobol iyo Dowladda Federaalka ay soo fara geliyeen iyo Ciidamada Ethiopia ee garoonka diyaaradaha gacanta ku haya.

Xiisadaan ayaa soo bilaabtay 18-kii Bishii Jenaayo Sanadkaan iyadoo qaab mu’aamaraad ah sariirtiisa loogu xiray Miino xerada gudaheeda, Ex Marxuum Maxamed Aweys Taliyihii Ururka 28-aad ee Ciidamada Xooga Dalka, Waxaana loo xiray 2-Askari, iyadoo mid ka mid Askartaasi (Aadan Garaac Habar-waa) lagu dhex dilay Xabsiga intii ay Baarista Socotay waxaana lagu eedeeyay Eedeysane Gashanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble oo ahaa Madaxa Baarista Kiiska.

Gudoomiyaha Maxkamada Derejada 1-aad oo Gudoominaayay Kiiskaan ayaa la sheegay iney la-tashi geli doonaan kana soo saari doonan Kiiska Dilka ah iyo kuwa kaleba, xaalada ayaa haatan degen, balse waxaa laga cabsi qabaa in qalalaase kale ay ka dhacaan Degmadaasi.

244270cookie-checkShaqaaqo xiriir la leh Dilkii Taliye Ciidan oo Sariirtiisa Miino Loogu Xiray ayaa Shan kale u Dhimatay