Wakiilada Beesha Caalamka Oo Oggolaaday Iney Kulamada Goobjoog Ka Noqdaan

Somalia news

Rajada laga qabo in Wakiilada Beesha Caalamka ay Goobjoog ka noqdaan ayaa bidhaamineysa dhego u nugul Kulamada u dhaxeeya Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday iyo Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, shirka looga arrinsanaayo Masiirka Doorashada dadban ee Somalia, sida ay ilo wareedyo loo qaateen ah ah u xaqiijiyeen Warsidaha Diinah.com news….

Wakiilka UN-ka Ee Somalia iyo Danjiraha USA ayaa oggolaaday iney ku biiraan Kulamada, kadib markii ay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay ku adkeysteen in aan xal waara laga gaaro Khilaafka Doorashada iyo Arrimaha Ciidamada Gobolka Gedo uusan xiligaan diyaar u aheyn Mr.Farmaajo.

Xogtaan ayaa sheegtay in Aqbalaada ka qeyb galka Kulamada ma ahan mid toos ah, balse waxey rajo wanaagsan u muujiyeen iney Goobjoog ka noqon doonaan wada hadalada si ay u soo dhex galaan Xubnaha diidan isla markaasna u damaanad qaadaan dhaqan gelinta Heshiis kasta oo laga gaaro Khilaafka taagan.

Farmaajo iyo Kooxdiisa ayaa si weyn uga soo horjeeda in Wakiilada Beesha Caalamka ay soo fara geliyaan Arrimaha Doorashada isla markaasna loo kala dab qaado Hogaamiyayaasha Soomaalida kuwaasoo horey ugu Fashilmay fulinta Heshiiska laga gaaray Doorashada.

Mas’uuliyiinta Mucaaradka ayaa ku Eedeeyay Farmaajo oo weli Xafiiska Jooga, iyadoo Uu muddo xileedkiisu dhamaaday ku dhowaad 2-bilood ka hor uuna Isku xiraayo ololihiisa dib u Doorashada iyo geedi socodka coddeynta mid aan si furan looga heshiin balse rabitaankiisa la fuliyo.

Hadii wada xaajoodka wakhtigaan xaadirka ah la qabanqaabinaayo ay miro dhal noqon waayaan, Waxaa sii xoogeysanaaya hubanti la’aanta dhanka kala guurka Nabadeed iyo Doorasho daahfuran, falkaan wuxuu isbaaro u yahay demuqaraadiyada curdanka ah Ee Somalia.

104380cookie-checkWakiilada Beesha Caalamka Oo Oggolaaday Iney Kulamada Goobjoog Ka Noqdaan