Share the post "Koox Burcad-Badeed ka Afduubatay Dooni Xeebaha Degmada Eyl Somalia…"
Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Kooxo looga shakisan yahay iney yihiin burcad badeed Soomaali ah kana soo jeeda Degaanada Puntland ayaa gacanta ku dhigay Dooni kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen xilli dambe oo shalay oo Isniin ahayd…
Wararkaan oo ay baahiyeen Hawlgalka ay Ciidamada badda Yurub ka sameeyeen Bariga Dhexe, oo loo yaqaan EUNAVFOR Atalanta, ayaa sheegay in dhacdadani ay weli ku socoto baaritaan, waxeyna intaasi raaciyeen in weerarka lagu bartilmaameedsaday Doon mareysay meel ka baxsan biyaha magaalada Eyl ee Somalia.
Shirkadda Amniga Badaha ee Ambrey ayaa sheegtay in weerarka lagu arkay tuhmanayaasha oo watey saddex doonyood oo yar yar oo ay ku rakiban yihiin matoorada 60-horseed, Ambrey ayaa intaasi raacisay subaxnimadii hore ee Talaadada “koox looga shakisan yahay burcad badeednimo ayaa lagu arkay” iyagoo ka baxaya xeebta Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal Puntland.