Farmaajo Oo Xilkii Ka Qaaday Madaxii Canshuuraha Dekada Mogadishu

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Heshiis hoose ay Wada gaareen Farmaajo iyo Qorqor, iyadoo la sheegay in Mr.Qorqor lagu abaal mariyay dib u dhacyada Doorashada, waxaana Madaxa Canshuuraha Dekada Mogadishu loo magacaabay Wiil uu adeer u yahay…

Wararka ayaa sheegay in Farmaajo uu ku amray Wasiirka Maaliyada inuu xilka ka qaado Madaxii Canshuuraha Dekada Mogadishu Xasan Cabdicasiis Axmed (Xasan Bashi) Oo muddo 2-sano ah Xilka hayay, waxaana loo magacaabay Maxamed Cabdi Colaad Oo uu adeer u yahay Qorqor, Xiligaan kala guurka ah xil ka qaadista & magacaabista Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ayaa si xowli ah u socota xiligaan kala guurka ah waana qeyb ka mid ah Boobka Hantida iyo Xilalka Dowladda Ee uu wado Farmaajo.

Arrintaan xil ka qaadista ah ayaa laga cabsi qabaa in dagaalo Colaadeed Dalka dib loogu celiyay, waayo Beelaha qaarkood ayaa aad u saluugsan habka saami qeybsiga Farmaajo uu xiligaan wado, Dekada Mogadishu ayaa ah meesha ay dhaqaalaha Badan Dowladda Federaalka ka hesho, Qorqorna uu Hantidiisa int badan ka macaashay Xilka Kuxigeenka Dekada Magaalada Mogadishu.

150480cookie-checkFarmaajo Oo Xilkii Ka Qaaday Madaxii Canshuuraha Dekada Mogadishu