Faahfaahin Laga Soo Sheegaayo Markab Shidaal Siday Oo Gaaray Xeebaha Puntland

Somalia news

Macluumaad ayaa laga soo sheegaya in Markab shidaal oo lagu magacaabo Ocean 11- oo shidaal u siday Ganacsato magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay in koox dabley ah ay ku afduuteen xeebaha Bareeda ee Gardafuy degaanada Puntland, isla markaasna muddo 3-maalmood ah ku heystay xeebahaasi…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Dabley madax banaan ay ka afduubteen markabkaasi xeebaha Puntland, isla markaasna ay geeyeen xeebta Bareeda, iyagoo la sheegay iney xireen shaqaahihii saarnaa Markabka oo laga leeyahay dalka Panama, wuxuuna shidaal ka soo qaaday magaalada Dubai ee UAE, Dableyda ayaa gudaha markabka kala baxay 3-qori oo AK-47 ah oo lagu ilaalinayay Markabka.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Eng Maxamuud Xaaji Saalax, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in Burcad-badeed ay af-duubteen Markabkaasi, in Markabka oo mudda ku wareegayay Xeebta laga shakiyay sidaasna Ciidan loogu diray, balse markii dambe la xaqiiqsaday in uu yahay Markab ganacsi cilladoobay, inkastoo ay Ciidamadaasi Gacmo-gacmeysteen Markabka.

55900cookie-checkFaahfaahin Laga Soo Sheegaayo Markab Shidaal Siday Oo Gaaray Xeebaha Puntland