Waxaa lagu wadaa maanta in dib loo howl geliyo Kal-fadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad kaasoo markii hore loo qorsheeyay inuu furmo 6-dii bishan, Ha yeeshee uu dib u dhac ku yimid sababo badan oo is biirsaday oo ay ka mid yihiin abaabulo Mooshin iyo Arrimaha Doorashada, iyadoo aan la isugu imaan xilligii hore loo qorsheeyay…
Dib u furida Baarlamaanka oo ay hakiyeen kala aragti duwanaasho u dhaxeysay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka kuna aadan isku shandheynta Golaha Wasiirada, Xakameynta Mooshinada iyo Qodobo Dastuuri ah oo salka ku heysa dhameystirka ansixinta Dastuurka, saamilayda siyaasadda ayaa si weyn u danaynaya iney ka soo muuqdaan shaashada, waxaana jira sababo dhowr ah oo keenaya in si gaar ah loola socdo.
Mooshinka lidka ku ah Wasiirka 1-aad
Xuuraano soo xoogeysanaaya ayaa xaqiijinaaya in daaha gadaashisa ka socdo abaabul ay wadaan Xildhibaanada ku heybta ah Wasiirka 1-aad Xamse Cabdi, iyagoo ku eedeeyay qaabka uu ku wajahay doorashada Jubaland iyo Qorshe xumadii Dagaalkii Degaanka Raskambooni oo horseeday inuu qorshahaasi fashilmo dhiig badana ku daato, iyagoo diidmo ficil ah kaga jawaabay hoggaaminta Xamsa, taasoo keentay in mooshin laga keeno.
Doorashada Maamulada Gobolada & Qorshe Xumoda Hogaanka Villa Somalia
Hogaanka Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay inuu baal maray awooda Dastuurka uun Muddo kororsi 3-4 sano ah u kordhiyay Maamulada Gobolada kana dhigay Seylad, iyadoo ay soo shaac baxaayaan qorshe lagu maareynaayo jihada Doorashada oo ay gadaal ka riixayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Hogaanka Konfur galbeed iskuna aragti ka ah arrimaha Doorashada, waxeyna shuruud uga dhogeen in Qorshaha Doorashada lagu hirgelin karo kaliyah in saameynta Wasiirada Gaashandhigga iyo Arrimaha Diinta Xilalkooda laga xayuubiyo laguna bedelo kuwo iyaga taabacsan so ay u taageeraan Qorahaha Madaxweynaha.
Xildhibaanada Mucaaradka & Wakhtiga Mooshinka
Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in Mooshinka ridista Wasiirka 1-aad uu wajahaayo caqabad xagga waqtiga ah, maadaama jadwalka kalfadhiga si xadidan loo habeeyay, Laba toddobaad oo shaqo Baarlamaan ah kuma filna dhaqaajinta mooshinka, Waxaa si ula kac ah dib loogu riixay, marka sharciyadda la eego, balse waxaa weli taagan khatarta uu leeyahay, ku darsoo Martiqaadkii Cashada ee Madaxweynaha Xildhibaanada Beeshisa waxaa soo xaadiray 12-Xildhibaan taasoo muujineysa inuusan heysan kalsoonida Xildhibaanada Beesha Hawiye, Siyaasadda Dalka ayaa waxay ku socotaa jiho mugdi ah, toddobaadka soi socda waxaa bilanaaya bisha Ramadaan iyadoo la filayaa in Muqdisho ay marti geliso jawi cusub oo siyaasadeed.