Dhaqdhaqaayo Ciidan Oo Laga Soo Sheegaayo Xuduuda Somalia & Ethiopia..

Somalia news

Sida laga soo xigtay ilo loo qaateen ah oo ku sugan Xuduuda Somalia iyo Ethiopia ayaa sheegaya in Ciidamada Ethiopia ayaa dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay xadka Gobolada Bakool, Hiiraan, Galguduu, Mudug & Sool ee Somalia, Ciidamadaan ayaa isugu jira kuwa Federaalka iyo Kilinka Soomaalida…

Qof diiday in magaciisa la xigto ayaa Warsidaha Diinah.com u waramay ayaa sheegay inuu arkayay Gaadiidka dagaal & kuwa gaashaman ee dagaalka oo ku wajahan yihiin Xuduuda degaanada kor ku xusan, Abaabulkan ayaa ka dhacaya dhinacyo badan oo xuduudaha ah.

Tani waa tallaabo cad oo daandaansi bilow ah, Waxa kaliya ee ay Dowlada Federaalka looga fadhiyo waa iney joojiso Jil jileeca iyo habacsanaanta ka muuqda Hogaankeeda, Dalka iyo Dadka u diyaarisaa dagaal daba dheerada oo lagu difaacaayo Midnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

310910cookie-checkDhaqdhaqaayo Ciidan Oo Laga Soo Sheegaayo Xuduuda Somalia & Ethiopia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com