Dharcadka NISA Oo Lagu Dilay Wardhiigley

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa 2-Askari oo ka tirsan Kuwa Dharcadka ee NISA ayaa la sheegay iney dileen Dabley aan heytooda la aqoon maanta, iyagoo ka baxsaday goobta markii ay fuliyeen dilka qorsheysan ee Ciidamada Hey’adda Sirdoonka ee ka howlgala degmooyinka Gobolka Benadir….

Dilkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Laba dhagax ee degmada Wardhiiley, Ilaa hadda ma jirto koox sheegatay dilka 2-Askarta ee ka tirsan NISA, iyadoo sidoo Agaasinka Hey’adda Ayaan ka hadlin dilka loo geystay Askartooda, todobaadkii hore ayeey aheyd markii 4-Xoogaga Dharcadka Ee NISA, lagu gaaday iyagoo ku mashquulsan Ciyaarta Laadhuga loo yaqaano kuwaasoo halka goob lagu dilay.

Hey’adda NISA ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxey Magaalada Mogadishu ku soo daayeen Xoogag ku hubeysan bastoolado, kuwaasoo wata Gaadiid aan taargo laheyn, kuwaasoo dhibaato xoogan oo hanjabaado iyo afduub xambaarsan u geysta Dadka Rayidka ah ee ku nool degmooyinka Gobolka Benadir.

84140cookie-checkDharcadka NISA Oo Lagu Dilay Wardhiigley