Maxaa Uga Ajenda ah ee Arrimaha Badda oo uga Qorsheysan Somalia Kursiga Golaha Amaanka…

Security Somalia news

Somalia oo markii 2-aad xaqiijisay iney ku guuleysato Kursiga Golaha Amaanka ee Xubanaha aan joogtada aheyn, iyadoo Sanadkii 1971-gii ay ugu dambeysay iney kursigaasi ku fadhiisato, ayaa la filayaa iney furaadaan uga faa’iideysato mawqifkeeda istaraatiijiyadeed ee isgoysyada ganacsiga badda iyo xoojinta Amaanka ee caalamiga ah…

laga soo bilaabay 1-dii Janaayo 2025. Somalia weli ma aysan shaacin qodobada ay mudnaanta siineyso muddada ay shaqeyneyso, balse waa in xaaladaha Baddaha ay xooga saarto bacdamaa xeebaheeda ay ka taagan yihiin dhibaatooyin ay sababeen Kooxo hubeysan ee Burcad badeee iyo isbaaroyiinka Kooxda Shiicda ee Xuutiyiinta oo carqalado ku ah Amaanka Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa shidaalka, ku darsoo waxaa iyadana xal u baahan Kaluumeysiga shisheeye ee xaalufta ku haya kheyraadka Dalka.

Xiisadaha Arrimaha badaha ayaa si isa soo taraya u soo shaac baxaya doodaha UNSC, Dowladaha Afrikana waxay si firfircoon uga faa’iidaysteen Golahaan si ay indhaha caalamka ugu soo jeediyaan arrimaha culayska leh ee badda, Ghana iyadoo ka mid ah saddexda Dal ee xubnaha ka ah Afrika (A3) ee loo doortay golaha 2022-2023, ayaa hoggaaminaysay doodaha ku saabsan burcad-badeedda Gacanka Guinea, iyo Sierra Leone waxay isku dubariday ka qaybgalka Afrika intii lagu jiray wada-xaajoodka heshiiska badaha sare ee 2023.

Somalia waxay u adeegsan kartaa kursigeeda UNSC si ay u qaabayso ajandaha baddaha caalamka oo ay hordhigto caqabadaha gudaha ka jira, Amniga badda iyo xoojinta dowladnimada kuwaasoo udub dhexaad u noqon kara ka-howlgelinta iyo hiigsiga diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Somalia, isla matkaasna lagu ciribtiri karo kooxaha Burcad badeedka Shirkadaha Kaluumeysiga ee sida sharci darrada uga kaluumeysta Xeebaha Dalka.

Ku darsoo, Ku dhawaad ​​siddeed shil oo Afduub Doonyo Kaluumeysi ayaa ka dhacay degaanada xeebaha Puntland sanadkii tagay ee 2024 oo ay ku jiraan saddex afduub oo lagu guulaystay in la xakameeyo, Isbeddelkan walaaca leh ayaa bilowday 2023-kii markii markab xamuul ah lagu afduubtay xeebaha Somalia – waa weerarkii ugu horreeyay ee noocan oo kale ah tan iyo 2017, falalkaani waa kuwo tiro yar, laakiin waxay xaqiijinayaan in burcad-badeedda Somalia aan laga adkaan, balse la xakameeyay.


361800cookie-checkMaxaa Uga Ajenda ah ee Arrimaha Badda oo uga Qorsheysan Somalia Kursiga Golaha Amaanka…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *